Adeega shaqsiga iyo qoyska (IFS Waiver)



Portrait of an African American father hugging his sons.

Haddii xubin qoyskaaga kamid ah macmiil ka yahay Maamulka Naafada Koritaanka (DDA), waxay u qalmi karaan adeegyo iyo taageero ballaaran laga helo Individual & Family Service Ka dhaafidda (IFS) ama ka dhaafidda adeega Shaqsiga iyo Qoyska. IFS wuxuu leeyahay afar maalgalin oo heerkoodu kala duwan yahay (laguna go’aamiyay baahida la ogaaday): $1200; $1800; $2400; $3600.

Dakhliga Qoyska Lama Tixgelinayo.

Kadib marka qiimeynta baahida go’aamiso heerka baahida, waxaa go’aan laga gaaranaaya u qalmitaanka dhaqaale iyadoo lagu saleeynaya daqliga shaqsiga*, ma’ahan daqliga qoyska. Adeegyada IFS ka sokow, macaamiisha IFS Ka dhaafidda waxay u qalmi doonaan caymiska Apple Health / Medicaid.

Adeegyada IFS waxaa kamid ah:

  • Farsamada caawinta
  • Taagerada dhaqanka iyo latashiga
  • Ka qayb qaadashada Bulshada
  • Wax ka badalka deegaanka iyo gawaarida
  • Latalin ka imaanaysa dadka facaaga ah
  • Fududeynta qorshaynta qofka u gaarka ah
  • PT/OT/Hadalka/maqalka iyo luuqadda
  • Nasiino
  • Qiimaynta halista
  • Caawin xirfadeeysan
  • Qalabka howlaha khaaska ah loogu talogalay/agab
  • Baxnaaninta khaaska ah
  • Dhar khaas ah
  • Adeegyada xasilinta
  • La tashiga shaqaalaha/Qoyska
  • Adeegyada waalidka lagu taageerayo
  • Daweynta la qabsiga
  • Gaadiidka (dadka aan ka mid ahayn dilaalka Medicaid)
  • Waxbarashada kusaabsan nolol wanaaga

Haddii wiilkaaga ama gabadhaada qabo/qabto baahi uu haqab tiri karo barnaamijka IFS ee kadhaafidda, wac DDA codsana adeegyada IFS ama isticmaal macluumaadka DDA qadka intarneedka kana codso foomka adeega.

*Macaamiisha hantida magacooda ku qoran(aan ahayn reerkooda) in ka badan $ 2,000 uma qalmi karaan IFS ka dhaafidda.

Codsiga adeega iyo Khadka macluumaadka

Aaga Kowaad
Spokane: 800-319-7116
Yakima: 866-715-3646

Aaga Labaad
Seattle: 800-974-4428
Everett: 800-567-5582

Aaga Seddexaad
Tacoma: 800-735-6740
Olympia: 888-707-1202

Diyaar, La Diyaariyay, Ogoow (IFS)



2024


  • Translate