Adeegyada Guryaha iyo Bulshada (DDA Waivers)



Kormarka adeegyada Guryaha iyo Bulshada ku salaysan ee DDA Waivers

Ku dhowaad dhammaan adeegyada lagu bixiyo Maamulka Koriinka Naafada (DDA) waxaa lasoo mariyaa ka-dhaafidda Adeegyada Kusaleeysan Hoyga iyo Bulshada (HCBS) ee federaalka. Waxaa looga wacaa kadhaafid sababtoo ah waxay ka dhaafayaan xulashada in adeega lagu siiyo xarun hay’ad badalkeed ay ku helaan adeeg la mid ah gurigooda iyo bulshadooda. DDA waxay leedahay shan ka dhaafid oo kala duwan, mid walbo leh adeegyo u gaar ah iyo xadka maalgelinta.

Adeegyada shaqsiga iyo Qoyska (IFS)

Ciyaalka iyo dadka waaweyn ee kunool guriga qoyska. Adeegyada waxaa kamid ah: baxnaaninta khaaska ah, ka qayb qaadashada Bulshada, farsamada caawinta, Nasiino, Caawin xirfadeeysan ( 21 sanno jir iyo ka weyn), Qiimaynta Halista, Adeegyada Xasilinta, Daweynta la qabsiga, La qabsashada deegaanka, Wax ka beddelka gawaarida, Qalabka howlaha khaaska ah loogu talogalay/agab, PT/OT/Hadalka/maqalka iyo luuqadda (21 sanno jir ama ka weyn), La tashiga Shaqaalaha/Qoyska, Taageerada dhaqanka wanaagsan, (21 sanno ka yar), Latalin ka imaanaysa dadka facaaga ah iyo Fududeynta qorshaynta qofka u gaarka ah. Heeerarka maalgelinta sanadkiiba waxay ku salaysan yihiin baahida la qiimeeyay: $1200, $1,800, $2,400, $3,600.

Basic Plus

Waxaa loogu talagalay ciyaalka iyo dadka waaweyn ee kunool hoyga qoyska ama bulshada dhexdeeda awooddooda ay ku sii wadi karto taageerida goobtaas ay halis ku jirto haddii aanan loo helin adeegyo dheeraad ah. Baxnaaninta khaaska ah, Ka qayb qaadashada Bulshada, ka mid noqoshada bulshada, Nasiino, Caawin xirfadeeysan (21 sanno iyo dadka ka weyn), Qiimaynta halista, Adeegyada xasilinta, Daweynta la qabsiga, La qabsiga deegaanka, Qalabka howlaha khaaska ah loogu talogalay/agab, PT/OT/Hadalka/maqalka iyo adeegyada lluuqadda (21 sanno iyo dadka ka weyn), La tashiga shaqaalaha/Qoyska, Taagerada Dhaqanka Wanaagsan, (21 sanno iyo ka yar), Shaqo ka taageerid.

Core

Ciyaalka iyo dadka waaweyn halista dhow ugu jiro meelaynta guriga ka baxsan kuwasoo leh baahi aysan dabooli Karin Basic Plus Waiver, lagana yaabo in ay u baahan yihiin 24 saac adeega guriga kuwaasoo ay ku jiraan tababar iyo waxbarasho; ama, kuwaas oo u baahan kara maalin kastaa ilaa toddobaad kasta taageero shaqsiyeed jir ahaan ama caafimaad ahaan. Adeegyada waxaa kujiro dhammaan adeegyada hoos imaada Basic Plus*, iyo sidoo kale taageerid nolosha iyo adeegyada xilliga kala guur bulshada. (Adeegyada *CORE Waiver, waxay bixiyaan maalgelin adeegyo ka badan adeegyada Basic Plus, oo ku saleysan baahida la qiimeeyay.)

Taageridda Dhaqanka Ciyaalka ee Qotada Dheer (CIIBS)

Ciyaalka da’adooda u dhaxayso (8-20) ee kunool guriga qoyska ee halista ugu jiro meelaynta guriga meel ka baxsan sababtoo ba’anaanshaha caqabadaha dhaqankooda. Adeegyadu waxay ku saleeysan yihiin taageerida dhaqanka wanaagsan iyo qorshe kooxeed ku saleeysan xoojinta iyo ka shaqeynta natiijooyinka ay soo jeediyeen qoyska. Ilma walbo kooxdiisa waxaa ka mid ah: qoyska, saaxiibo, daryeel bixiyaal, shaqaalaha iskuulka, iyo kuwo kale. Adeegyada waxaa ka mid ah: Nasiino, Farsamada nolosha, Qiimaynta halista, Adeegyada xasilinta, Dharka khaaska ah, Muusigga, iyo Daweynta dhaqdhaqaaqa, daweynta la qabsiga, Wax ka beddelidda gawaarida, iyo Qalabka howlaha khaaska ah loogu talogalay/agab.

Iaalinta Bulshada (Community Protection)

Waxaa loogu talagalay dadka waaweyn ee baahan 24 saaac kor jooga shaqaale kormeera iyo daweyn si ay u ilaaliyaan nabadgelyadooda iyo tan bulshada. Ujeedada barnaamijka Ilaalinta Bulshada waa in la siiyo jawi habeeysan, Jawi lagu dawoobi karo oo loogu talagalay dadka qabo baahida ilaalinta bulshada si ay ugu noolaadaan si nabadgelyo leh oo guul leh bulshada dhexdeeda iyadoo la yareynayo halista nabadgelyada bulshada. Adeega Ilaalinta Bulshada waxaa ku jira dhammaan adeegyada hoos imaada CORE Waiver, marka laga reebo: Ka qayb galka bulshada, Nasiinada, Waxbarashada kusaabsan nolol wanaaga, iyo Ka mid noqoshada bulshada.

Kormarka adeegyada DDA Waivers

 



2024


  • Translate