Haddii xubin qoyskaaga kamid ah macmiil ka yahay Maamulka Naafada Koritaanka (DDA), waxay u qalmi karaan adeegyo iyo taageero ballaaran laga helo Individual & Family Service Ka dhaafidda (IFS) ama ka dhaafidda adeega Shaqsiga iyo Qoyska. IFS wuxuu leeyahay afar maalgalin oo heerkoodu kala duwan yahay (laguna go’aamiyay baahida la ogaaday): $1,560, $2,340, $3,120, $4,680.
Dakhliga Qoyska Lama Tixgelinayo.
Kadib marka qiimeynta baahida go’aamiso heerka baahida, waxaa go’aan laga gaaranaaya u qalmitaanka dhaqaale iyadoo lagu saleeynaya daqliga shaqsiga*, ma’ahan daqliga qoyska. Adeegyada IFS ka sokow, macaamiisha IFS Ka dhaafidda waxay u qalmi doonaan caymiska Apple Health / Medicaid.
Adeegyada IFS waxaa kamid ah:
- Farsamada caawinta
- Taagerada dhaqanka iyo latashiga
- Ka qayb qaadashada Bulshada
- Wax ka badalka deegaanka iyo gawaarida
- Latalin ka imaanaysa dadka facaaga ah
- Fududeynta qorshaynta qofka u gaarka ah
- PT/OT/Hadalka/maqalka iyo luuqadda
- Nasiino
- Qiimaynta halista
- Caawin xirfadeeysan
- Qalabka howlaha khaaska ah loogu talogalay/agab
- Baxnaaninta khaaska ah
- Dhar khaas ah
- Adeegyada xasilinta
- La tashiga shaqaalaha/Qoyska
- Adeegyada waalidka lagu taageerayo
- Daweynta la qabsiga
- Gaadiidka (dadka aan ka mid ahayn dilaalka Medicaid)
- Waxbarashada kusaabsan nolol wanaaga
Haddii wiilkaaga ama gabadhaada qabo/qabto baahi uu haqab tiri karo barnaamijka IFS ee kadhaafidda, wac DDA codsana adeegyada IFS ama isticmaal macluumaadka DDA qadka intarneedka kana codso foomka adeega.
*Macaamiisha hantida magacooda ku qoran(aan ahayn reerkooda) in ka badan $ 2,000 uma qalmi karaan IFS ka dhaafidda.
Codsiga adeega iyo Khadka macluumaadka
Aaga Kowaad
Spokane: 800-319-7116
Yakima: 866-715-3646
Aaga Labaad
Seattle: 800-974-4428
Everett: 800-567-5582
Aaga Seddexaad
Tacoma: 800-735-6740
Olympia: 888-707-1202
Diyaar, La Diyaariyay, Ogoow (IFS)